Wasiir Cali Xoosh Oo Kulamo La Qaatay Siyaasiyiinta SSC-Khaatumo

Laascaanood 18 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde iyo Wasiirka Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa si wadajir ah kulan Wadatashi ah ula qaatay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maamulka SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa looga arrinsaday geeddi socodka dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, muhiimadda Xasilloonida, Wadajirka iyo ilaalinta midnimada.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa hoygiisa ku qaabilay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta XFS Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo kulan booqasho ugu yimid.

Kulanka ayaa looga arrinsaday geeddi socodka dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC, Wadajirka Bulshada iyo ilaalinta midnimada.