Wasiir Cali Xoosh Oo Kulamo La Qaatay Beelaha Daga SSC-Khaatumo

Laascaanood 11 Jul 2025; Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta Sool ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee daga SSC-Khaatumo.

Kulamada Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) Iyo Beelaha ayaa looga arrinsaday arrimaha dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo. Dib-u-heshiisiinta, Nabadeynta iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.