Wasiir Cali Xoosh Oo Kulamo La Qaatay Siyaasiyiinta SSC-Khaatumo

Laascaanood 10 Jul 2025; Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee Aqalka Sare Sen Cabdullaahi Timacadde iyo Wasiirka Tamarta & Khayraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Kulan talo wadaag ah la qaatay Mudane Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah siyaasiyiinta SSC-khaatumo, iyadoo kulanka uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.