Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Qatar Ee Soomaaliya

Muqdisho 09 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh0) ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Kulanka ayaa looga hadlay awoodsiinta dedaallada jooogtada ah ee Dib-u-heshiisiinta iyo Nabad-dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laysla qaatay xoojinta iskaashiga labada dal iyo horumarinta Xasilloonida Soomaaliya.