- July 6, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 6 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Dhiirragalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda
Wasiir Cali Xoosh oo Munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadiyay kaalinta lama illaawinka ahayd oo ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka qaateen Qabanqaabada Munaasabadaha Xuska Maalmaha Xorriyadda.
Ugu Dambeyn, Munaasabadda ayaa lagu abaal-mariyay qeybaha kala duwan ee Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha ka shaqeeyay Munaasabadaha Xuska Maalmaha Xorriyadda, iyadoo la guddoonsiiyay shahaado sharaf ay ku muteysanteen waxqabadkoodi wax ku oolka ahaa.