- July 8, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 08 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Barnaamijka SSF III kaasi oo uu qeyb ka ahaa Denjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya Mr Charles King, Goobjoogna ka ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud.
Shirka oo sidoo kale kulmiyey mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin kala duwan ayaa diiradda lagu saaray taageerada caalamiga ah ee Barnaamijka Xasillinta iyo Hortabinnada dowladda, waxaanna la isla gartay dardargelinta Barnaamijka SSF wejiga 3-aad kaasi oo xoogga saaraya Dib u heshiisiinta, Xasillinta iyo guud ahaan dowlad-dhiska.
“Kulankeenna maanta wuxuu diiradda saaraya dib u eegista horumarka laga gaaray sannadkii 2-aad ee SSF III iyo dejinta jihada istiraatiijiga ah ee sanadkaan saddexaad. Sanadkaan waa xilli ay socdaan dedaallodhanka doorashooyinka tooska, dhameystirka dastuurka, dhismaha SSC Khaatumo, iyo howl-galada xasilinta iyo sugidda amniga dalka, dowlad-dhiska heerarka kala duwan iyo xoojinta xiriirka dowladda iyo shacabka” ayuu kelimaddiisa ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh.