- July 5, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 05 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu Duwaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Xafiiska Soomaaliya Mudane George Conway.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Gargaarka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.