Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Dhagaxdhigga Dhagax-tuur

Muqdisho 26 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Ubax dhigga Taallada Dhagax-tuur.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiekh Maxamuud ayaa Ubax Dhigay taallada Dhagaxtuur, taaso oo qayb ka ah Maamuuska Munaasabadaha 26-ka Juun.

Munaasabadda Ubax Dhigga waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska, Masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.