- July 1, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 01 Jul 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qaybgalay Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Daljirka Daahsoon.
Munsaabadda oo ay Ciidamada kala duwan ee dalka kusoo bandhigeen Awoodooda iyo Gaadda ka cayaar ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxda Qaranka uu u horreeyo Madaxweynaha JFS Dr. Hassan Shiekh Maxamuud, Xubnaha Golaha Wasiirrada ee qaybta ka ah Guddiga Qabanqaabada iyo Safiirrada Caalamka.