- June 22, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 22 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Isu Duwidda Dowladaha Hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.
Wasiir Cali Xoosh oo furitaanka kulanka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay muhiimadda dhismaha Dowladaha Hoose, isagoo yiri “Dhismaha dowladaha hoose ee dalku waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska iyo kor u qaadidda adeeg bixinta shacabka Soomaaliyeed. Kulankan waxa uu ka turjumayaa sida ay nooga go’an tahay in aan dhisno nidaam dowladeed oo hoos-u-daadegsan, hoosna laga soo dhisaayo, si loo helo dowlado hoose oo la tayeeyay kana jawaabi kara baahiyaha dhabta ah ee shacabku qabaan. Dowladaha Hoose waa wejiga ugu horreeya ee dowladda, waana hay’adda dowladeed ee ugu dhow shacabka, waa halka ay shacabka ugu horreyn la kulmaan adeegyada dowladeed”.
Sidoo kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa ka hadlay waxyaabaha uga qabsoomay Wasaaradda dhanka Dowladaha Hoose, wuxuuna yiri “Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS waxay horumar la taaban karo ka samaysay dhowr arrimood oo muhiim u ah dhismaha nidaamka Dowladeed hoose ee dalka iyadoo kaashanaysa Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Hay’adaha ka shaqeeya iyo Saaxiibada Caalamka ee taageera dowladaha hoose: 1Diyaarinta shaqa tilmaamaha Madashan Qaran ee Isu-duwidda Dowladaha Hoose – Dowladdu waxay soo bandhigi doontaa shaqa tilmaame ay ku caddahay dhammaan daneeyayaasha Dowladaha Hoose doorarkooda hannaanka fulinta dowladaha hoose, 2Dhammaystirka Istiraatiijiyadda Baahinta Maaliyadda, waxaana la qabtay shirar wadatashi ah oo heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ah si loo dhammaystiro istaraatiijiyaddaan, taasoo gacan ka geysan doontaa in nidaamka maaliyaddu si hufan oo hoos loogu daadejiyo, lana helo isla xisaabtan daahfuraan, 3Hagaha Hab-raaca Adeeg Bixinta (SDM) ayaa la dhammeystiray”.