- June 21, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 21 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Amniga ee Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada oo ka dhacay Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka oo looga arrinsaday sugidda amniga goobaha laga qabanayo munaasabadaha maalmaha xorriyadda ee 26-juun iyo 1-da Luulyo iyo fantisayaha ka horreeya ee lagu dabbaal-dagaayo maalmahaas.
Kulanka ayaa waxaa qaybgalay Wasiirrada Xubnaha ka ah Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada, Saraakiil sare oo ka kala socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad-sugidda, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.