Wasiir Cali Xoosh Oo Casho Sharaf U Sameeyay Ergada Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda

Muqdisho Jun 2025; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa casho sharaf ugu sameysay Caasimadda Muqdisho Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha, ururrada Siyaasadda ee Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Kulanweynahaan waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta ururrada Siyaasadda Diiwaangeshan iyo Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland iyaga oo ka hadlay ahmiyadda in doorashada dadban laga guuro, oo lagu tartamo doorasho toos ah, hufan oo xor iyo xalaal ah, iyaga oo ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ah iyo Wasiirkeeda mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) shaqada laga qabtay xeerarka doorashada iyo guddigii ka dhashay oo maanta shaqeeya halka Guddiga Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha ay ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay hayaan.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaran mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa isna ka hadlay ururrada Siyaasadda ee ay diiwaangeliyeen, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee socota iyo heerka diyaargarowga.

 

Ugu dambeyntii, Khudbad kooban uu mudane Cali Xoosh kajeediyey munaasabadda waxuu hoosta ka xariiqay in Doorashada toosan aan laga laabaneyn, taasi oo ah doorasho dadka dhexdiisa wax kasoo baxaan, oo dadku noqdaan mid wax doorto ama la doorto, oo ay kusoo baxaan dad haldoor ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Xoosh waxaa uu bogaadiyey doorka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaran iyo Soohdimaha iyo xisbiyada ka jira Puntland isaga oo intaa raaciyey in ururadda iyo xisbiyada ay ka wada shaqeeyaan wacyigelinta, marna ay tartamaan.