Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda IOM

Muqdisho 18 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa kulan la qaatay Masuuliyiin Ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee IOM, gaar ahaan Wakiilkooda Soomaaliya Mudane Manuel Marques Pereira.

Kulanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Iyo Hay’adda IOM ayaa looga hadlay arrimaha Xasilinta, gargaarka, soo kabashada iyo guud ahaan wadashaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa bogaadiyay wada shaqeynta Hay’adda IOM ay la leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS gaar ahaan arrimaha looga hadlay kulanka.