- June 17, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 17 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay Gogasha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiekh Maxamuud.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ka hadlay dedaallada Dowladda ee Doorashooyinka Qaranka isagoo yiri” Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Madaxweynaha JFS uu hoggaaminayo, waxay si cad ugu ballanqaadday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay mudnaanta koowaad ee Dowladdu tahay in dalka la gaarsiiyo hannaan doorasho toos ah si loo xaqiijiyo himillada dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer jirtay.”
Dhanka kale, Wasiir Cali Xoosh ayaa hoosta ka xarriiqay in hirgalinta Doorshooyinka Qof iyo Cod ay tahay mid Dastuuri ah, wuxuuna yiri” Waxaa muhiim ah in la xuso in Dastuurka Kumeelgaarka ah uu Sanadku 2012, gaar ahaan Qodobkiisa 47aad, uu si cad u dhigayo in dalka laga qabto hannaan doorasho qof iyo cod ah, hase ahaatee horey uma suurtagalin in la hirgeliyo hannaan doorasho oo toos ah, taas beddelkeedana waxaa la adeegsaday habka doorashooyinka dadban oo ku meel gaar ahaa”.
Ugu Dambey, Wasiir Cali Xoosh ayaa yiri “Dowladdu waxa ay dhameystirtay dhismihii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyadoo la raacayo habraacyada uu sharcigu jideeyay. Sidoo kale, Guddiga waxaa loo suurtageliyay taageeradii iyo howl fududeeyntii ay u baahnaayeen si ay u qabtaan doorasho qof iyo cod ah”.