- June 12, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 12 Jun 2025; Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa warbixin ka dhageystay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dib kulan uu Guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh).
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xubnaha Guddiga Warbixin la xiriirta diyaar garowga iyo qabanqaabada la xiriirta maalmaha Xorriyadda iyo sugidda Amniga dalka gaar ahaan goobaha loo asteeyay in lagu xuso munaasabadaha.
Xubnaha Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dedaallada joogtada ah iyo howlaha wax ku oolka ah oo ay hayaan laamaha Amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulanka oo ka dhacay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Deegaanka XFS, Wasiirka Beeraha XFS, Wasiirka Dhalinyarada XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Xanaanada Xoolaha XFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.