Wasiir Cali Xoosh Oo Warbixin Ka Dhageystay Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho 11 Jun 2025; Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, iyaga oo Guddoomiyaha Guddiga warbixin ka siiyay shaqada ay ka hayaan maalmaha xorriyadda.

Kulanka uu guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda maalmahaan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta howlaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Wasiirka Deegaanka XFS, Wasiirka Beeraha XFS iyo Agaasimayaal ka socda Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.