wengtoto slot gacor bandar togel wengtoto wengtoto wengtoto toto slot wengtoto wengtoto wengtoto slot deposit 1000 togel 5d data macau toto macau Togel Online Togel Online bandartoto prediksi macau

Wasiir Cali Xoosh Oo Qaabilay Ergayga QM U Qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho 11 Jun 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan  Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta dedaallada wadajirka ah ee Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta, Doorashooyinka iyo baahinta adeegyada dowliga ah.

Waxaa sidoo kale inta uu kulanku socday la adkeeyey iskaashiga labada dhinac iyo kawadashaqeynta howlaha hortabinta u leh dowlad-dhiska Soomaaliya.