Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada

Muqdisho 10 Jun 2025; Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku yeesahay kulankooda joogtada ahaa ee qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta hwolaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Deeganka XFS, Wasiirka Beeraha XFS, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Amniga, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga,, Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.