Wasiir Cali Xoosh Oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda

Muqdisho 30 May 2025; Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-da Juun iyo 1-da Luulyo, kaasi oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahaan qaran, weyneynaantooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta howlaha qabanqaabada Munaasabadahaan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Wasiiru Dowlaha Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha & Hay’adaha ka shaqaynaya qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda.