- May 26, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 26 May 2025; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Sadad Alio ayaa uga qeybgalay caasimadda Muqdisho shirka ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta ee Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed kaasi oo ku saabsan dar-dargelinta Isdiiwangelinta dadweynaha ee doorashooyinka iyo Difaaca Dalka.
Shirkan oo uu sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin kale oo gobolka ah ayuu wasiir Saadaad oo goobta ka hadlay wuxuu hoosta ka xariiqay in Wasaaradda iyo guud ahaan Xukuumadda Federaalka ah ay hortabin ka dhigayaan Doorasho Qof iyo Cod iyo in dadka loo gacangeliyo masiirkooda, dib dambana aan loogu noqon Doorasho Dadban, isaga oo ku dhiirigeliyey shacabka in ay is diiwaangeliyaan.
Wasiir dowlaha Wasaaradda mudane Caliyow waxaa kale uu ku dheeraaday ladagaalanka Khawaarijta iyo kaalinta odeyaasha dhaqanka, waxaa uuna adkeeyey in dedaallada la isugugeeyo difaaca dalka iyo dabargoynta Argigixisada.