Kulanka Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Muqdisho 24 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye wuxuu u sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jira dib u xorreyn iyo ladagaalanka Argigixisada, iska warqabka, mideynta ajendeyaaaha iyo, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha Xasillinta.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyey howlgallada ay ku jiraan geesiyaasha xoogga dalka, sida ay ugu raadjoogaan Haraadiga Cadowga iyo kaalinta ay tahay in ay guddigan ku lahaadaan gulufka socda iyo bandhigga guulaha.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dheeraaday kaalinta ay warbaahinta u leedahay Abaabulka, kahortagga dacaayadaha Argigixisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha ciidamada xoogga dalka, jiheynta umadda iyo soobandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dedaallada Xasillinta iyo Sookabashada isaga oo adkeeyey in lolabojibaarro howsha loona diyaargaroobo wejiga ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo  Khawaarijta.