- May 11, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka

Muqdisho 11 May 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Dowladda iyo Bulshadda Rayidka ah.
Wasiir Cali Xoosh oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay wadashaqaynta & iskaashiga Bulshada Rayidka iyo Dowladda isagoo sheegay in ay muhiiim tahay xoojinta Madasha Dowladda iyo Bulshada Rayidka, wuxuuna yiri” Bulshada rayidka ahi waa qeyb aad muhiim u ah wadankaana iyo dib u dhiska dowladnimadeena, Waxaan rabnaa in aan wada Xoojinno madasha Dowladda iyo Bulshada Rayidka ah si aan u yeelanno xiriir joogto ah, laguna hago isfahamka, lagu xalliyo arimaha soo baxa, lana dhiso qorshe wadajir ah”.
Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ka hadlay sida deeqaha gaabis ku yimid iyo sida muhiim u tahay in looga arrinsado arrinkaas, isagoo yiri” Dunida maanta waxay wajahaysaa hoos u dhac ballaaran oo ku yimid deeqaha caalamiga ah. Soomaaliya si gaar ah ayuu isbedelkaasi u saameeyay – mashruucyo muhiim ah ayaa hakad ku yimid, Waxaa jirta in deequhu sidii hore aysan ahayn, waxaynu u baahanahay in aynu isla aragno xaalku sida uu yahay in saameyntu inta ay la’egtahay”.
Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida joogtada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ugu adeegeen iyadoo ay duruuf adag dalka ka jirto.