- May 3, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Banaadir, Kulamada, Wararka
No Comments

Muqdisho 03 May 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si mug iyo Wadaniyad ah ugu soo dhoweeyey Caasimadda Muqdisho Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)
Hoggaamiye Firdhiye ayaa imaatinkiisa la xiriiraa kaqeybgalka shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC), tani oo noqon doonta tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa in SSC Khaatumo si buuxda uga mid noqotey hanaanka dowladda federaalka ah.