- March 7, 2025
- Posted by: Abdiladiif Ali
- Categories: Koonfur Galbeed, Kulamada, Wararka
No Comments

Baydhabo 07 Mar 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay munaasabadda Xiritaanka Tabarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Mudane Wasiir Xoosh oo kelmad kooban ka jeediyey ayaa Koonfur Galbeed ku bogaadiyey howshaan, isaga oo u rajeeyey ciidanka ay wax badan ka qabtaan amniga maamulka, qaranka iyo gobolka, waxaa kale oo uu adkeeyey in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.