Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Tacsida Ugaas Cabdi Daahir

Muqdisho 30 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa tacsi ugu tagey qoyska Alle ha-u-naxariistee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur oo dhawaan Geeriyooday.

Wasiir Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in Ugaaska uu muddo dheer kasoo shaqeynayay nabadaynta bulshada Soomaaliyeed iyo dowlad-dhiska isaga oo Eebe uga baryey inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali Xoosh ayaa saxiixay buugga tacsida ee Marxuum Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur