Muqdisho 19 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashir ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Wafdi ka socday Hay’adda IOM uu hoggaaminaayay Madaxa Howlgallada Mr. Manuel Marques Pereira. Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta iyo wadashaqaynta howlaha hortabinta u leh labada dhinac.