Wasiir Cali Xoosh Oo Daahfuray Daabacadda Kaarka Aqoonsiga Qaranka

 

Muqdisho 18 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir iyo Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde ayaa si rasmi ah u furay Daabacaadda Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta dhexe ee NIRA. Isagoo sidoo kale guddoomay Kaarkiisa Aqoonsiga ee lafta.

 

Xildhibaan Cali Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Daabacadda Kaarka Aqoonsiga qaranka ayaa bogaadiyay Hay’adda NIRA, isagoo yiri” Waxaan ku bogaadinayaa Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Aqoonsiga Qaranka dedaallada miro-dhalka ah ay sameeyeen, anigoo si gaar ah u bogaadinayaa Maareeyaha iyo ku xigeenka maareeyaha Hay’adda doorkooda hoggaamineed”.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is-diiwaangaliyaan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxaa uu yiri” Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay is diiwaangaliyaan, gaar ahaan shacabka caasimadda maadaama ay xarunta dhexe ee Hay’addu ay ku taal halkaan.”