Wasiir Cali Xoosh Oo La Kulmay Madaxa Fulinta USAID

 

 

Muqdisho 18 Jan 2025; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la qaatay Madaxda Howlgalka USAID ee Soomaaliya Ms. Catie Lott iyo wafdigeeda.

Arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa Ka wadashaqeynta labada dhinac ee howlaha hortabinta leh sida: Xasillinta, Dowladaha Hoose iyo Doorashooyinka.

 

Mudane Cali Xoosh ayaa kelmaddiisa soo dhoweeyey Ms. Catie isaga oo guul u rajeeyey muddo xileedkeeda, waxaa kale uu bogaadiyey heerka wadashaqeynta labada dhinac.