Kormeerka Wasiir Cali Xoosh Ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

 

Muqdisho 14 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, iyadoo uu halkaasi kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

 

Wasiir Cali Xoosh oo mid mid u booqday Xafisyada kala duwan ee Guddiga ayaa kulan uu la qaatay Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha isaga oo ka dhageystay warbixin ku aaddan waxyaabaha u qabsoomay muddada kooban ee Guddiga jiro iyo qorsheyaasha xilliga soo socda.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa bogaadiyay shaqada iyo habraacyada wax ku oolka ah oo ay qabteen Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, sidoo kale Wasiir Cali Xoosh ayaa adkeeyay xaqiijinta howlaha madaxbannaanida guddiga iyo in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan hirgelintooda doorasho qof iyo cod ah oo u dhacda si hufan.