Kulanka Billaha Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

 

Muqdisho 12 Jan 2025; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa guddoomiyey kulanka billaha ah ee Wasaaradda.

 

Kulankan oo ay Goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Lataliyeyaasha ayaa looga hadlay howlaha ay ugu horreeyaan Hortabinnada Wasaaradda sida; Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Dowladaha Hoose, Xalka Waara, Xasillinta iyo guud ahaan dardargelinta shaqada iyo shaqaalaha.

 

Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), Wasiirka Wasaaradda ayaa ugu horreyn bogaadiyey guulaha laga gaaray qorshihii 2024, wuxuuna dul istaagay ahmiyadda iyo howlaha hortabinta leh sanadkaan, isaga oo faray dardargelinta howlaha iyo isla xisaabtanka.