Dhuusamareeb 01 Jan 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo dhiirrigalinaya dedaallada wadajirka ee Arrimaha Xasilinta gaar ahaan adeegga caafimaadka ee deegaannada laga xoreeyay khawaarijta ayaa tagay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa kusoo dhaweeyay Xarunta Wasaaradda, isagoo Wasiir Cali Xoosh Warbixin ku aaddan doorka dedaallada Xasilinta Wasaaradda Caafimaadka ka dhagaystay Dr. Cabdiwali Jaamac Wasiirka Caafimaadka Galmudug.