Dhuusamareeb 30 Dec 2024; Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa goordhow gaaray caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, iyada oo uu qasriga Madaxtooyada kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.
Wasiir Cali Xoosh ayaa maamuuska loo sameeyey uga mahadceliyey Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha iyo Golayaasha kala duwan ee Galmudug.
Mudane Xoosh inta uu deegaankaasi joogo waxaa ajendihiisa hortabinta leh ka mid ah; Arrimaha Dib u heshiisiinta, Xasilinta, Doorashooyinka iyo Howlo kale