Wasiir Ashkir Oo Ka Qaybgalay Madasha Qaran Ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka

 

Muqdisho 09 Dec 2024; Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir ayaa kaqeybgalay Madasha Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka oo uu soo agaasimay Xafiiska Ergayga Madaxwaynaha JFS ee Xasilinta Iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

 

Wasiir Ashkir ayaa ugu horrrayn ka hadlay muhiimadda Badqabka Raydka, isagoo yiri “Bedqabka Rayidka waa hannaan muhiim u ah dowladnimada, waxayna noo leedahay hortabin gaar ah, waana in ay bedqabaan dadka iyo hantidooda, kana bedqabaan musiibo dabiici ah iyo mid kaleba, Madashan qaran ee Ilaalinta bedqabka Rayidka waxay kusoo aadeysaa marxalad muhiim ah oo doodaheedu ay ku qotomi-doonaan dedaallada Bedqabka Rayidka ee howlgalka ATMIS kadib.”

 

sidoo kale, Wasiir ayaa adkeeyay in Istiraatijiyadda lagu soo bandhigaayo Madasha ee Badqabka Raydka ay tahay mid muhiim ah oo ku cadyihiin qorshayaasha Bedqabka Rayidka, wuxuuna yiri“Madashaan waxay muhiim u tahay bandhigidda Istaraatiijiyadda Hannaanka bedqabka Rayidka taasi oo ay ku cadyihiin qorsheyaasha wax ku oolka u ah bedqabadka Rayidka ee xilliyada colaadaha iyo dagaalka isla markaana lagu hubinayo gaarista dadka nugul iyo u gargaaristooda, waa istiraatiijiyad cad, waqtiyeysan oo ku suntan kahortag xaaladaha kala duwan, taasi oo ay ka faa’ideysan karaan dowladda iyo Saxiibada Caalamka”

 

Ugu Dambayn, Wasiir Ashkir ayaa bogaadiyay Xafiiska Ergayga Madaxwaynaha JFS ee Xasilinta Iyo Ilaainta Arrimaha Rayidka oo soo agaasimay Madasha, wuxuuna yiri “Waxaan bogaadinayaa shaqada xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta badqabka Rayidka oo howshan adag kasoo shaqeeyey, waana tallaabo horay loo qaaday oo ku tusineysa diyaargarowga jira”.