Muqdisho 02 Dec 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo sohdimaha ayaa bogaadiyay Hannaanka Doorashada.
Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyay Hannaanka hufan ee lagu doortay Guddoomiyaha Cusub ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo Ku Xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Mudane Saadiq Abshir Garaad.
Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoonka cusub ee la doortay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha, wuxuuna kula dardaarmay in ay gutaan waajibkooda Qaran iyagoo dhowraya Xeerka Guddiga iyo Dastuurka Dalka.