Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha Ayaa Doortay Guddooonka Guddiga

 

Muqdisho 02 Dec 2024; Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo sohdimaha ayaa si rasmi ah ugu doortay Mudane Cabdikariin Axmed Xasan in uu noqdo Guddoomiyaha Xubnaha Guddiga ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

 

17 ka mid ah 18-ka ee Xubin ee Guddiga Doorashada Qaranka iyo Sohdimaha ayaa codka Aqlabiyadda siiyay mudane Cabdikariin Axmed Xasan.

 

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah ugu doortay Mudane Saadiq Abshir Garaad in uu noqdo Guddoomiye Ku Xigeenka Xubnaha Guddiga ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.

 

17 ka mid ah 18-ka ee Xubin ee Guddiga Doorashada Qaranka iyo Sohdimaha ayaa codka Aqlabiyadda siiyay mudane Saadiq Abshir Garaad.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa ka mid ah Madaxda Goobjoog ka ahaa Doorashada Guddoonka Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, taas oo ka dhacaysa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Munaasabadaa waxaa Goobjoog Ka ahaa Xidhibaanno labada Aqal BFS, Madaxda Ururrada siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.