Wasiir Cali Xoosh Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Ee 135-ta

 

Muqdisho 26 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ku martigeliyey xarunta Wasaaradda odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta.

 

Kulankan oo sidoo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin ayaa ugu horeyn Wasiir mudane Cali Xoosh waxaa uu odeyaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka anisiyey sida; (1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha (2). Xeerka Ururrada Iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay weliba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

 

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin.

 

Odeyaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooga, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS dadaallada ay mar weliba sameyso ee la xiriira dowlad dhiska oo ay shuruucdaani ka mid yihiin.