Wasiir Cali Xoosh Oo Labada Aqal Ee BFS Uga Mahadceliyay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka Qaranka

 

Muqdisho 23 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada laba gole ee Baarlamaanka JFS ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu horreyn ka hadlay ahmiyadda xeerka isaga oo yiri” Ansixinta Xeerkaan waxuu muujinayaa ka go`naashaha labada Gole ee Baarlamaanka JFS, gudashada waajibkooda Dastuuriga ah in ay dalka ka qabsoonto Doorasho Qof iyo Cod, Xor iyo Xalaal oo ay Shacabka Soomaaliyeed ku dooranayaan Dadkii ku matali lahaa dhammaan Hay’adaha la doorto ee Heer Degaan, Heer Dowlad Gobaleed iyo Heer Qaran.”

 

“Ansixinta Xeerkaan wuxuu dammaanad-qaad u yahay howlaha iyo habraacyada ay guddiga doorashooyinku ku fulinayaan wajibaadkooda in ay dalka ka qabsoonto doorasho Hufan, Cadaalad ah, xeerarkeeda iyo habraacyadeeduna ay cad yihiin. Xeerkani wuxuu fursad siinayaa bulshada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ku tartamaan Ururro iyo Xisbiyo Siyaasadeed oo loo siman yahay uguna tartamaan dhamaan Hay’adaha la doorto ee heerarka kala duwan ee Dowlada” ayuu intaasi raaciyey.

 

Ugu dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa si guud uga mahadceliyay Xildhibaannada labada Gole Ansixinta seddexda Xeer ee la xiriira arrimaha Doorashooyinka, wuxuuna yiri” waxaan si guud idinkaga mahadcelinayaa ansixinta dhamaan 3da Hindise Xeereed ee la xariira Arrimaha Doorashooyinka dalka, oo Golaha Wasiirradu u soo gudbiyeen Golayaasha Baarlamaanka, bishii Agoosto 2024.

Ansixinta 3da Xeer waxay ku waajibinaysaa Xukuumadda iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Sohdimaha in dalka ay ka qabsoonto Doorasho Guud ee heerarka kala Duwan ee Dowlada”.