Wasiir Cali Xoosh Oo Labada Gole Ee Baarlamaanka JFS Uga Mahadceliyay Meelmarinta Xeerka Xisbiyada

 

Muqdisho 20 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kadib meelmarinta Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in meelmarinta Xeerkaan uu muujinaayo ka go’naashaha Xildhibaannada labada ee ku aaddan gudashada Waajibkooda qaran, isagoo yiri” Ansixinta Xeerkan waxay muujinaysaa ka go`naashaha labada Gole ee Baarlamaanka JFS, gudashada waajibkooda ah in Muwaadiniinta iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay furan karaan Ururro iyo Xisbiyo siyaasadeed oo loogu tartamo xilalka Hay`adaha sida tooska loo dooranaayo ee heer deegaan, D/Goboleed iyo Heer Qaranba, sida ku cad Qodobka 49aad faqradiisa 1aad ee Dastuurka ay sida wadajirka ah u ansixiyeen labada gole ee Barlamaan, xeer Madaxweeynana lagu meel mariyay Maarso 31, 2024”

 

Ugu Dambayn, Wasiir Cali Xoosh ayaa adkeeyay in xeerkaan uu xoojinaayo xaqa muwaadinka ee doorashaooyinka, wuxuuna yiri” Xeerkaan wuxuu damaanad qaad u yahay Xaqqa uu muwaadin kasta oo Soomaaliyeed u leeyahay in uu ka qeyb galo ama sameeysto Urur ama Xisbi siyaasadeed si loo doorto waxna u doorto, si waafaqsan qodobka 21aad ee Dastuurka ay sida wadajirka ah u ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka JFS”.