Labada Aqal Ee Baarlamaanka JFS Oo Meelmariyay Xeerka Xisbiyada

 

Muqdisho 20 Nov 2024; Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa ogolaaday 177 Xildhibaan, iyadoo oo uu Xildhibaan ka aamusay.