Kulanka Guddiga Heerka Sare Ee SSF

 

Muqdisho 18 Nov 2024; Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa la guddoomiye ka ahaa shirkan Guddiga Heerka sare (High Level Steering Committee).

 

Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Cadaaladda iyo Qorsheynta ayaa khudbaddiisa kooban uu kajeediyey kulanka, mudane Xoosh waxaa uu ku dheeraaday ahmiyadda isaga oo yiri “Maanta waxaan isugu nimid shirkan Guddiga Heerka sare (High Level Steering Committee) ee dardargelinta barnaamijyada ay fuliso Hay’adda SSF. Waxaa xusid mudan in shirkan kii ka horeeyay ee inooqabsoomay 24kii October 2024 aan ku go’aaminnay;

(1) Waajibaadka shaqo ee Guddiga Farsamada iyo
(2) Qorshe shaqo oo sanadle ah.

 

Kulankan wadajirka ah ee Guddiga Heerka sare iyo Guddiga Farsamo ayaa ah hannaanka maamul iyo maareyn ee loogu talogalay fulinta wejiga saddexaad ee SSF”

Ugu dambeyntii, Mudane Cali Xoosh waxaa adkeeyey dardargelinta howlaha “Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda, waxaan idiinxaqiijinayaa in aan dooneyno dardargelinta fulintabarnaamijyada aan ku heshiinnay ee inoo qorsheysan siaan u hirgelinno howlaha hortabinta inoo leh innaga ookaashaneyna deeqbixiyayaasha iyo madaxda iyomaamulka SSF”.