Wasiir Cali Xoosh Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Isku Xirka Aqoonsiga Iyo Adeegyada Waxbarashada

 

Muqdisho 05 Nov 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgalay ee Munaasabadda Isku-xirka Aqoonsiga Qaranka iyo Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada.

 

Khudbad kooban uu halkaasi kajeediyey mudane wasiir Cali Xoosh waxaa uu ku dheeraaday ahmiyadda howshan isaga oo yiri “ Waxaan maanta isugu nimi inaan si rasmi ah u shaacinno isku-xirka Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo Nidaamka Waxbarashada Dalka, Isku xirkaan labada Nidaam waxa ay u gogol-xaaraysaa in la helo hannaan sugan oo waxbarasho, lana mideeyo xogtaiyo diiwaannada waxbarashada dalka oo dhan”

 

Dhanka kale waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee JFS mudane Cali Xoosh ka hadlay muhiimadda uu u leeyahay bahda waxbarashada “▪ Is-diiwaangelinta Aqoonsiga Qaranku waa mid fudud, degdeg ah, una furan ardayda, macallimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada.

 

▪ Qofku marka uu is-diiwaangeliyo waxa loo astaynayaa Tirsi u Gaar ah (Unique Identifier) oo lagu aqoonsan doono inta uu nool yahay

 

▪ Aqoonsiga Qaranku waxa uu saamaxayaa in bahda waxbarashadu midayso xogta ardayda iyada oo lagusalaynayo macluumaadka Aqoonsiga Qaranka ee ardayga iyo macallinka.

 

▪ Waxa aan halkan ka bogaadinayaa go’aanka NIRA ee kuaaddan inay ardayda iyo bahda waxbarashada ka dhaafto khidmadda $5-ta ee laga qaado dadweynaha, iyada oo la tixgelinayo duruufta dhaqaale ee ardayda.

 

▪ Sidoo kale, NIRA waxay adeegga diiwaangelinta usoodhawaysay ardayda iyada oo goobo diiwaangelin ka hirgelisay goobaha waxabrashada iyo shahaada-bixinta.

 

▪ Sidaasi awgeed, ardayda waxa aan ku bogaadinayaa inayfursaddan ka faa’idaystaan oo ay is-diiwaangeliyaan.

 

▪ Aqoonsiga Qaranku waxa uu sahlayaa in hay’adaha waxbarashu ay helaan aqoonsi la isku hallayn karo oo ay wax ku diiwaangeliyaan, taas oo meesha ka saaraysa kutiirsanaanta aqoonsiyada kala jaadka ah iyo xogta aanfadhin ee ardayda”.

 

Ugu dambeyntii, Wasiir Cali Xoosh waxaa uu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey “Aqoonsiga Qaranku wuxuu fududaynayaa hannaanka soo-saarista shahaadooyinka rasmiga ah ee qalin-jebinta, waxaana ardayda dugsiga sare ka qallin-jebinaysa looga baahan yahay inay isla xarunta shahaada-bixinta iska diiwaangeliyaan oo ay marka hore helaan shahaadadooda is-diiwaangelinta ee NIRA”.