Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Xasilinta

 

Muqdisho 31 Oct 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa qabatay Kulanka Guddi Howleedka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Heer Federaal.

 

Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada Dowladda ee ku aaddan dhanka Xasilinta, waxyaabaha iyo qabsoomay iyo arrimaha u baahan in xoogga la saaro ee ku qotama hindisaha soo kabashada.