Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Bulsho Ee Japan Iyo Soomaaliya

 

Muqdisho 29 Oct 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kaashanaysa Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qabatay Kulan Bulsho oo dhaxeeya Degmada Howladaag ee Soomaaliya iyo Degmada Higashi Msushima ee Dalka Japan.

 

Kulanka oo ay sidoo kale kasoo qaybgaleen Ardayda iyo Maamulka Dugsiyada ku ka yaalla labada dal ee kala ah Dugsiga Hantiwadaag iyo Dugsiga Oomagari ayaa qayb ka ah Barnaamijka Tayeynta iyo Tababarka Degmooyinka ee adeeg bixinya kaas oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS iyo Hay’adda Horumarinta Japan (JICA).

 

Kulankaan Xog iyo Aqoon Isweedaarsiga labada bulshada ee Soomaaliya iyo Japan ayaa ah kii ugu horreeyay ee laga taabba-galiyo dalka, iyadoo laysku xiraayo labada bulsho (People to People).