Wasiir Cali Xoosh Oo Kormeeray Xarunta Diyaarinta Qorshaha Isbadalka Qaranka

 

Muqdisho 27 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ).

 

Wasiir Cali Xoosh ayaa booqday qaybaha kala duwan ee sheybaarada lagu diyaarinayo Qorshaha Isbadalka Qaran.

 

Wasiir Xoosh oo sidoo kale kulan la qaatay Howlwadeennada ka shaqeynaya Arrimaha Siyaasadda Loo dhanyahay, Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan ka dib markii uu warbixin buuxa ka dhagaystay.