Muqdisho 23 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Nidaamka Qaran Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
Wasiir Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga, isagoo sheegay in Soomaaliya ay aad uga baahantahay adeegyadaan.
Prof Xuseen Macallin Iimaan oo ka socda Ururrada Bulshada Raydka ah ayaa ka hadlay Muhiimadda adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
Guddoomiyaha Hay’adda Naafada Qaranka Mudane Maxamed Cabdul Jaamac ayaa adkeeyay muhiiimadda ay leedahay Adeegyada Dad-dhigidda, isagoo tibaaxay in xoogga la saaro u adeegodda dadka baahiyaha gaarka qaba marka ay timaado Dad-dhigidda.
Agaasimaha Guud Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga Mudane Cabdiqani Wehliye ayaa ka qaybgalayaasha Munaasabadda Daahfurka Nidaamka Qaran ee Dad-dhigidda Midaysan u sharxay muhiimadda nidaamka Dhijitaalka ee Dad-dhigidda.
Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde oo ka qaybgalay Munaasabadda Daahfurka Nidaamka Dhijitaalka Mideysan ee Dad-dhigidda ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay adeegyada Tirkaabooka Xaaladaha Madaniga iyo Dad-dhigidda.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Danjire Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Wasiirrada kasoo qaybgalay Munaasabadda Nidaamka Dhijitaalka ee Dad-dhigidda Mideysan ayaa ka hadlay Geeddi Socodka Barnaamijka Tirakoobka Xaaladaha Madaniga iyo Adeegyada Dad-dhigidda.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bidhaamiyay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ee ku aaddan nidaamka Adeegyada Dad-dhigidda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Xildhibaan Dr. Cali Xaaji oo ka mid ah Madaxda ka qaybgalay Munaabasadda Daahfurka Nidaamka Dhijitaalka ee Dad-dhigidda Mideysan ayaa bidhaamiyay doorka bahda Caafimaadka ee adeegyada Dad-dhigidda.