Wasiir Ashkir Oo Ka Qaybgalay Kulanka Guddiga Fulinta Ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka

 

Geneva 16 Oct 2024; Wasiir Wasaaradda Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir ayaa xarunta hey’adda UNHCR ee Geneva Switzerland kaga qaybgalay Kalfadhiga 75-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.

 

Wasiir Ashkir ayaa ka jeediyey madasha khudbad uu kaga war bixiyey xalaadda qaxootiga iyo barakacayaasha dalka, Wasiirka ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay meel marinta shuruucda iyo siyaasadaha wax lagaga qabanayo xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha,

 

Wasiir Ashkir ayaa sidoo kale la kulmay Ku Xigeenka Madaxa hay’adda UNHCR Mudane Raouf Mazou.

 

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Ashkir waxaa ku weheliyey wafti ka socday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka