Dhalinyarada Iyo Hannaanka Qaran Ee Dhab-u-heshiisiinta

 

Baydhabo 14 Oct 2024; Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Koonfur Galbeed ka furtay Kulanka Heer Qaran ee Xoojinta Doorka Dhalinyarada ee ka qaybgalka Arrimaha Nabadaynta iyo Hirgalinta Hannaanka Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta.

 

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Hogaanka Dhalinyarada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur-galbeed Mudane Mahad Maxamed Ciise.