Muqdisho 08 Oct 2024; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa warbixin ka dhagaystay Agaasinka Guud ee adeegyada Dad-dhigidda Wasaaradda. Kulanka ayaa la xiriiray dedaallada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ee ku aaddan arrimaha Dad- dhigidda iyo qaabka xiriirka arrimahaas.