Muqdisho 03 Oct 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin Xasan ayaa oo ay weheliso Madaxa Hay’adda USAID Soomaaliya ayaa maanta furay kulanka dib-u-milicsiga iyo qiimaynta Barnaamijka PCG ee Talo-Wadaag oo lagu qabtay Muqdisho, barnaamijkan oo ah mid Dadku udubdhexaad u nodaan howlaha dowladnimada gaar ahaan dowladaha hoose.
Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Mashruucu ka shaqeeyo ayaa lagu sameeyay bandhigyo kala duwan iyada oo aad looga faallooday wuxuu qabsoomay, guulaha lagaaray, caqabadaha iyo sidii xal wadareed looga gaari lahaa gaabiska iyo caqabadaha laysla gartay, sidoo kalana waxaa diiradda la saaray aadna looga hadlay adkeynta maamulka dowladaha hoose, xoojinta wadashaqeynta dhinacyada kala duwan, dhiirigelinta iskutashiga bulsho, dareemidda lahaanshiyo iyo arrimo kale.