Muqdisho 02 Oct 2024; Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa ka qeybgalay munaasabad kooban uu goobjoog ka ahaa Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane Wang Yu taasi oo lagu sagootinayey howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda oo siminaar ugu bixi doona dalka Shiinaha.
Agaasimaha waaxda Shaqada iyo horumarinta Shaqaalaha mudane Cabdifitaax Nuur Axmed iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda ayaa qeyb ka ah socdaalkaan Shiinaha oo lagu baranayo siyaasadaha la xiriira qowmiyadaha dalalka sookoraya.